Farmaajo Oo Ka Baaqsaday Shirka Antalya (Turkey)

Somalia news

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa in Mr.Farmaajo uu ka baaqsaday Kulanka Antalya Diblomacy Forum oo berri ka furmaya magaalada Antalya ee dalka Turkiga, Farmaajo oo lagu martiqaaday shirkaas ayaa la filayay inuu la kulmo Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta oo isna shirka lagu martiqaaday.

Wararka ayaa sheegaya in ka baaqashada shirkaas ayaa sabab looga dhigay xaalada siyaasadeed ee dalka, arrimaha doorashooyinka iyo fadeexada ka taagan Ciidamada loo diray Eritrea oo waalidiintooda ay dalbanayaan in ilmahooda xaalada ay ku sugan loo sheego, maadaama war iyo wacaal laga heyn in muddo ah.

Dowladaha Qatar iyo Turkey ayaa wadajir uga shaqeynayay in iyagoo ka faa’ideysanaya shirka Antalka in lagu wada kulansiiyo Farmaajo iyo Uhuru, waxaana horay u jiray qorshe ay wadeen Qadariyiinta oo ahaa in la isugu keeno Doxa.

125070cookie-checkFarmaajo Oo Ka Baaqsaday Shirka Antalya (Turkey)