Tiro Soomaalida Kenya ah Oo la Xaqiijiyey iney Guulo ka soo hooyeen Doorashada Dalkaasi

Africa News Somalia news

Guddiga Doorashooyinka Dalka Kenya ayaa shaaciyay qaar ka mid ah Natiijooyinka Doorashada ee Degaanada Soomaalida Kenya, waxeyna sheegeen in 6-ka mid ah ay guulo ka soo hooyeen Doorashadii dhacay 9-kii Bishaan, inkastoo Doorashada ay caqabado bada ku gedaaman yihiin…

Guddigaan ayaa shaaciyay in Aadan Barre Ducaale oo laga soo doorto magaalada Gaarsia uu difaacday kursigiisa, iyadoo ay kula tartamaayeen ilaa 3-Musharax oo degaanka ka soo jeeda, halka Msharaxa Faarax Macallim oo muddo 10-sano ka maqnaa Saaxada Siyaasada Kenya uu ku guuleystay Kursiga degaaanka Dhadhaab.

Musharax Yuusuf Xasan oo ka tirsan Xisbiga Jubilee ayaa markii 4-aad ku guuleystay Kursiga Xildhibaanimo ee Kamakunji oo Islii ay ka mid tahay ee magaalada Nairobi, iyadoo Junet Maxamed uu markii 3-aad ku guuleystay Kursiga bariga degaanka Sunna ee degaanka Migoori.

Wariye hore Maxamed Caddow ayaa ku guuleystay Kursiga Xildhibaanimo ee Degmada Wajer, wuxuuna ka tirsan yahay Xisbiga ODM ee Raila Odinga, Halka Abdulkadir Maxamed mar kale loo doortay Senator magaalada Gaarsia

207250cookie-checkTiro Soomaalida Kenya ah Oo la Xaqiijiyey iney Guulo ka soo hooyeen Doorashada Dalkaasi
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com