Wada Shaqeyntii Garsoorka Iyo Xeer Ilaalinta Oo Khilaaf Hareeyay

Somalia news

Faahfaahin dheeraad ah ah ayaa laga helayaa Khilaaf xoogan oo dhanka Fasirka qodobada Xeerka Ciqaabta, Hanaanka Dacwada iyo awoodaha labada Xafiis ayaa la sheegay iney u dhaxeyso Garsoore ka tirsan Maxkamada Gobolka iyo Kuxigeen Xafiiska Xeer ilaalinta Qaranka…

Xogtaan ayaa Diinah.com news u xaqiijisay in Garsoore Saalax Cali Maxamuud uu soo saaray Qoraal ku taariikheysan 20-10-2020, sumadeeduna tahay M.G.B. DDL/242/2020, isagoo si toos ah ugu diray Warqaddaasi Drs Safiya Maxamed Maxamuud oo ah dacwad-ooge & kuxigeenka xeer illaaliyaha guud ee Qaranka. Wuxuuna ku today Xukuumada ganaax ah oo dhan 500-US$ iyo iney ku shubto Qasnada Dowladda, isagoo u cuskaday Qodobka 95-aad Ee XHC (Xeerka Hanaanka Ciqaabta). Fiiri lifaaqa:-

Dacwad-ooge Safiya Maxamed Maxamuud kuxigeenka xeer illaaliyaha guud ayaa iyaduna qortay Warqadda summaddeedu tahay G/L. XIG/1641/2020 kuna taariikeysan 21-10-20 taas oo u muuqata in ay jawaab u tahay Warqadda hore ee garsoore Saalax Cali Maxamuud.

Ujeeddada warqadda Dacwad-ooge Safiya Maxamed Maxamuud waxa ay xambaarsan tahay eedeyn kadhan ah garsoore Saalax Cali Maxamuud, waxa ay ku eedeysay in uu ku xadgudbay dhowr qodob oo kamid ah xeerka ciqaabta Soomaaliyeed iyo in uu si qaldan u adeegsaday Qod 195 ee XHCQ iyo in uu soo eedeeyey qof xasaanad leh, sidaas awgeed waxa ay maxkamadda gobolka Banaadir weydiisatay in ay muddeyso dacwadda kadhanka ah garsoore Saalax Cali Maxamuud.

Hadaba Akhristow sow ma muuqato in Adeega Garsoorka Dalka u galay xarig jiid u dhaxeeya Hey’adaha kor ku xusan, kuwaasoo horey loogu Eedeeyay iney ka dhigeen. Xafiisyadaasi Suuq wax lagu kala iibsado, isla markaasna ay talaabadaasi horseeday in Adeeg Garsoor loo raadsado Kooxaha argagixisada.

68260cookie-checkWada Shaqeyntii Garsoorka Iyo Xeer Ilaalinta Oo Khilaaf Hareeyay