Farmaajo Oo Kulan La Yeeshay Ugaas Xasan

Somalia news

Madaxweyne Farmaajo ayaa caawa kulan albaabada u xirnaa la qaatay Ugaas Xasan Ugaas Khaliif, ilo ku dhow dhow kulankan ayaa sheegaya in looga hadlay arrimaha dhismaha Hirshabelle, Ugaaska ayaa muddo bil ku sugnaa Muqdisho isagoo ku qanacsanaa qaabka Dowladda Federaalka u wajahday hab dhismeedka cusub ee Hirshabelle…

Waxaana uu dhowr jeer oo hore la kulmay Madaxweyne Farmaajo iyo Agaasimah NISA Fahad Yaasiin, Ugaas Xasan ayaa la sheegay inuu dalabkiisa ku yimid Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Gen. Mukhtaar, sidoo kalana uu doonaya in looga dambeeyo Xildhibaannada ka imaanaya Beesha Xawaadle.

Waxaa la xusuustaa in Ugaas Xasan si xooggan uga soo horjeeday dhismihii koowaad ee dowlad goboleedka Hirshabelle, xilligii Dowladdii Xasan Sheekh, iyadoo haatan Maamulka la wadana uu aad uga biyo diidsan yahay.

70320cookie-checkFarmaajo Oo Kulan La Yeeshay Ugaas Xasan