Farmaajo Oo Rafashadii U Dambeysay Guda Galay

Somalia news

Maamulka Muddo xileedkiisii Dastuuriga ahaa ka dhamaaday ee Farmaajo ayaa dhex dabaalanaaya rafashadiisii ugu dambeysay xilli ay ku sii kordhayaan cadaadiska gudaha dalka iyo dibeda, si uu ugu noqdo miiska wada hadalka ee Teendhada Afisioni, isla markaasna cadeeyo inuu ka noqday Muddo kordhintii been abuurka ku dhisneyd…

Xogo loo qaateen ah Ayaa Warsidaha Diinah.com news u xaqiijiyay in Farmaajo uu wajahaayo Eedo la xiriira doorsho diidnimo, talaabadaan oo ka dhalan karta Cunaqabateyn Caalami ah, Dhaqaale yar I iyo Gadood gudaha ah, waxaana la filayaa inuu Caawaka soo muuqdo khadka Facebook live Taageerayaashiisa si uu u weydiisto taageero dhaqaale oo deg deg ah.

Hogaamiyayaasha Mucaaradka ayaa ku sifeeyay Farmaajo inuu dictator iyo hogaamiye kooxeed yahay, ayaa la filayaa inuu Taageerayaashiisa caawa ugu xog warramo culeysyada kaga imaanaya Beesha Caalamka Iyo Ciidamada soo galay Magaalada Mogadishu oo qeybo badan qabsaday.

Ilo Wareedyo ayaa Diinah.con news u sheegay in Hadalkii xalay Ee Facebook live-ka Ee Mr.Beyle uu hordhac yahay dhawaaqyo tixana ah oo ka soo yeeri doonaa Farmaajo iyo Rooble kuwaasoo u qeylo dhaan dirsan doonaan Taageerayaasha jidbeysan iney ku yaboohaan Taageero dhaqaale oo joogto ah.

Prof.Kabire ayaa sheegay “Waxaa la isweydiinayaa hadii Aduunkii dhaqaale ku aamini waayeen Maamulka Fashilmay sababo la xiriira Khilaafka Doorashada iyo muddo Kordhinta, sidee Shacbiga Soomaaliyeed dhaqaale ugu taageeraan Hogaan Kursiga isku dhejinaaya, diyaarna aan u aheyn inuu Dalka ka saaro heer-kulka Siyaasadeed Ee kacsan iyadoo Ganacsatada loogu baaqaayo iney joojiyaan bixinta Canshuurta”.

Dhanka kale, Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in habeen hore Khasnada Bangiga dhexe laga saaray 5-millions US$, iyadoo loo qaaday Xarunta Madaxtooyada Villa Somalia, lacagahaan ayaa la sheegay in loo adeegsan doono sidii loogu caburin lahaa Shacbiga Magaalada Mogadishu.

114040cookie-checkFarmaajo Oo Rafashadii U Dambeysay Guda Galay