Villa Somalia Oo Lagu Eedeeyay Carqaladeynta Heshiiskii Doorashada

Somalia news

Waxaa isa soo taraaya walaaca iyo Shakiga laga qabo Maamulka Fashilmay Ee Farmaajo inuu daacad ka yahay hirgelinta Heshiiskii Doorashada ee lagu saxiixday Xarunta Madaxtooyada bishiii tagtay, iyadoo looga digay ineysan dhibaato dalka iyo Dadka u horseedin…

Madaxtooyada Villa Somalia ayaa dhowaan waxey Ciidamo hor leh u daabushay Degmada Doolow, kadibna u u gudbisay Degmada B/Xaawo, waxaana lagu Eedeeyay Ciidamadaasi iney daandaansi dagaal ka wadaan gudaha iyo daafaha Degmada Mandheera Ee Dalka Kenya.

Khilaafka u dhaxeeya Maamulka Farmaajo iyo Kan Jubbaland ay xudun u tahay Maamulka Gobolka Gedo, iyadoo Maamulka Sheekh Axmed uu ku adjeystay ineysan doorasho ka dhici doonin Gobolada Jubooyinka inta laga saaraayo Ciidamadaasi, waxaana ay sheegeen in walaac xoogan ay qabaan in Ciidamadaasi ay gacamo-gacmeeyaan Doorashada.

Sidoo kale Maamulka Fashilmay Ee Farmaajo ayaa lagu Eedeeyay inuu fara geliyay Doorashada Hir-shabelle, isagoo hadafkiisu yahay inuu soo saarto Xildhibaano ku sii haya Kursiga ugu sareeya Dalka, isqabqabsigaasi ayaa laga digay iney horseedo in Laba Madaxweyne Maamul ay yeeshaan Maamulka Hir-Shabelle.

Kadib guuldarooyinka qamaar-siyaasadeedka Farmaajo iyo hamiga beenta ah ee dib u soo laabaashadii farsameysan ayaa horseedi kara xiligaan kala guurka ah oo aan muuqan in la fuliyo wixii lagu heshiiyay, ayaa waxey horseedi kartaa in dagaal sokeeyo uu dalka dib ugu laabto.

67230cookie-checkVilla Somalia Oo Lagu Eedeeyay Carqaladeynta Heshiiskii Doorashada