Qarax Is-miidaamin ah Oo Ka Dhacay Hoteel ku yaal Magaalada Jowhar

Somalia news

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa Qarax xoogan oo loo adeegsaday gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa goordhow ka dhacay magaalada Jowhar, gaar ahaan halkii la oran jiray Mishinka,

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in Qaraxa uu ahaa mid ismiidaamin ah oo gaari kuwa xamuulka ah qalab dhisme waday laguna soo raray waxyaabaha qarxa.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa uu bartilmaameedsaday Hotel Shabelle (Nur Dob) oo ah degaan uu degan yahay Wasiirka Arrimaha Gudaha Hirshabelle, inkastoo Wasiirka aanu joogin xilliga qaraxa dhacayay.

Dadka dhaawaca ah waxaa ka mid ah Wasiirka Haweenka HirShabelle Caasho khaliif, Wasiirka Caafimaadka HirShabelle Cabdi Macalin, Guddoomiye ku xigeenkii hore ee Baarlamaanka maamulka HirShabelle Marwo Canab Axmed Ciise iyo Xildhibaan hore Jeego, kuwaasoo la geeyey Isbitaalka guud ee magaalada Jowhar ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

201670cookie-checkQarax Is-miidaamin ah Oo Ka Dhacay Hoteel ku yaal Magaalada Jowhar
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com