Gaari Dhuxul Sida Oo Duleedka Afgooye Lagu Gubay

Somalia news

Macluumaad hordhac ah ayaa laga soo sheegayaa Koox dabley ah oo ka tirsan Maleeshiyaad Shabaabka ayaa degaanka Buulalow oo Degmada Àfgooye u jirta wax ka yar 8-KM ku gubay gaari dhuxul siday….

Xogtaan ayaa Diinah.com news u xaqiijisay in Gaarigaaan oo kuwa Xamuulka ah kuna soo jeeday magaalada Muqdishu ayay wadada u galeen dabley Shababka ka tirsan kadibna dab qabad siiyeen, iyadoo horey ay Kooxda Shababka u fuliyeen weeraro sidaaan oo kale ah oo lagu gubay Gadiidka dad shacab ah oo dhuxul siday.

Horjoogayaasha Kooxda Shababka ayaa cunaqabateyn ku soo rogay Shacbiga Magaalada Muqdishu, iyadoo diiday in degaanada ay ka taliyaan Gaadiidka dhuxul sida la soo dhex mariyo isla markaasna la keeno Magaalada Muqdishu.

54380cookie-checkGaari Dhuxul Sida Oo Duleedka Afgooye Lagu Gubay