Gabar Laga Afduubtay Muqdishu Oo Guricel Lagu Qabtay

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya Degaanka Guriceel ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in Ciidamada Amaanka ee Degaanka ay gacanta ku dhigeen gabar shalay laga afduubtay degmada Howlwadaag ee gobolka Banaadir….

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in Hibo Maxamed Xasan oo aheyd gabar 16-sabo jir ah ayaa shalay koox aan la garan ka afduubteen magaalada Muqdisho, waxaana ehelada gabadhan sheegeen in ay lasoo xariirtay una sheegtay in la afduubtay.

Ciidamada Boliiska Guriceel ayaa la sheegay in gacanta ku dhigeen gabadhaan ee Muqdisho laga afduubtay xili ay la socotay gaari tagay magaaladaasi, waxeyna ciidamada xireen darawalkii waday gaariga ee gabadha la socotay.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa kusoo badanaya afduubka loo geesanayo haweenka iyo xatooyada caruurta, lamana oga ilaa hada cida falalkan dadka Muqdisho ka araggaxeen wada mana jiro ilaa hada wax war ah oo dowlada kasoo saartay arimahan.

67270cookie-checkGabar Laga Afduubtay Muqdishu Oo Guricel Lagu Qabtay