Maamulka Muuse Biixi Oo Xayiraad ku soo rogay Hantida & Dhulalka Muwadin ka soo jeeda Gobolka Sool

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya magaalada Hargeysa ayaa sheegaya in Ganacsatada iyo Dadka Rayidka ah ee ka soo jeeda Gobolka Sool lagu hayo ugaarsi iyo Boob Hantidooda, kadib markii uu qarxay Dagaalka magaalada Laad caanood, iyadoo xiisadani ay gaartay halkii ugu hooseysay…

Wararka ayaa sheegay in Dhisme iyo Dhul banaan oo uu leeyahay Ganacsade Maxamed Jabuutawi oo ka soo jeeda Gobolka Sool ay Maamulka Muuse Biixi uu ku soo rogay Xayiraad, talaabadaani oo u muuqata mid lagu boobaayo Hantida Muwaadinka Maxamed Jabuutawi, kadib dagaalkii ka dhacay magaalada Laas caanood.

Wararka ayaa sheegay in Guriga la xayiray ayaa la sheegay inuu sheegtay Ganacsade Maxamed Cabdullaahi Bookh uu ka iibsaday Maxamed Jabuutawi 6-bilood ka hor isla markaasna uu gayo dhamaan dukumentiyadii la xiriiray Iibka, teeda kale waxaa soo baxaaya Warar sheegaya in Maxamed Jabuutaawi oo horey u dhisay Dhismaha Guriga Madaxtooyada Laas caanood una ku wareejiyay Mr.Silaayo.

Dhanka kale Waxaa la sheegay in Qoysas & Arday badan oo ka soo jeed Gobolka Sool ay ka soo barakaceen magaalooyinka Hargeysa iyo Boorama. Kafib markii hanjabaado iyo Cabsi gelin kala kulmeen Dadja degaanka iyo Xoogaga Amaanka, Dadkasn ayaa u barakacay Dowlad degaanka Soomaalida Ethiopia iyo Gobolka Sool.

246420cookie-checkMaamulka Muuse Biixi Oo Xayiraad ku soo rogay Hantida & Dhulalka Muwadin ka soo jeeda Gobolka Sool