Madaxweynaha Somalia Oo Maanta ku tagaya Eritrea & Sababta..

Somalia news

Ilo wareedyo loo qaateen ah ayaa tilmaamaya in Madaxweynaha Dawladda Federaalka Somalia ayaa maanta u socdaalaya Dalka Eritrea, kaddib casuumaad rasmi ah oo uu ka helay dhiggiisa dalkaas Mr.Asias Afwerki…

Xogtaan ayaa sheegtay in Safarka Madaxweynaha uu noqonaayo kii 3-aad tan iyo markii la doortay 15kii May, 2022, Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadli doona qodobada taabanaya xiriirka labada Dal, gaar ahaan Iskaashiga dhinacyada Amniga iyo Siyaasada, xilli isqalabeynta Gobolka Geeska Africa uu labo-kacleynayo.

Asmara ayaa Dowladda Federaalka u tababartay Ciidan ka badan 5300 oo Askari, iyadoo haddana tababar loo bilaabay 5 kun oo kale, waxaana magaalada Mogadishu ku sugan 500 oo Tababarayaal iyo talitayaal Unugyada,Kooxda,Horinta iyo Ururka, kuwaasoo aysan Dowlada ka gaabisay iney shaaciso.

Fiiro gaar ah:- Ciidamadii Lagu soo tababaray qeybtoodii lagu hayay Xerada Maslax ayaa loo qaaday degaanada Gobolka Sh/Dhexe, waxeyna ku biireen kuwii horey halkaasi ku joogay.

246490cookie-checkMadaxweynaha Somalia Oo Maanta ku tagaya Eritrea & Sababta..