Dilal Bareer Ah Oo Gaalkacyo Ka Dhacay..

Uncategorized

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga soo sheegaya dilal salka ku haya aano qabiil oo ka dhacay Magaalada Gaalkacyo, iyadoo falkaasi xiisad ka dhalatay afartii nin ee ganacsatada ahaa, ee Khamiistii lagu dilay duleedka Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Gaalkacyo.

Xogtaan ayaa tilmaamtay in Dabley hubeysan oo ka soo jeeda Beesha Lelkase ayaa rasaas oodda kaga qaaday gaari ay la socdeen ganacsatada, xilli uu maraayay afaafka hore ee Magaalada Gaalkacyo.

Wararka ayaa sheegaya in tallaabada lagu dilay ganacsatadaasi ay salka ku hayso aanooyinka xagga beelaha, ayna jirto baqdin laga qabo in ay aargudasho dhacdo.

Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa ka mid ah magaalooyinka ay weli ku dambeeyan dilalka ku aadan aanooyinka qabaa’ilada, iyadoo Magaalada ay 3-xaafad oo aan dabka kala qaadan wadaan degan yihiin, Dableyada beelahaasi ay si xor ah ugu dhex wataan hubka, ku darsoo Shabaabka qeyb ayeey ka degan yihiin.

15700cookie-checkDilal Bareer Ah Oo Gaalkacyo Ka Dhacay..