Qaraxyo aad u Xoogan iyo Dagaalo ayaa ka socda Xarunta Wasaarada Waxbarashada

Uncategorized

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa laba qarax aad u xooggan loona maleynaayo in loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa dhacay Xarunta Wasaarada Waxbarashada oo aad ugu dhow Isgooska Soobe ee magaalada Mogadishu…

Wararka ayaa sheegaya in Qarax 1-aad oo loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa ka dhacay Xarunta Wasaarada Waxbarashada halkaasoo maalmahaan laga bixinaayay Shahaadooyin, iyadoo Dabley hubeysan sy gudaha u galeen, iyadoo ay aagaasi gaaray ciidamo katirsan dowladda oo wadooyinka xir xiray.

Qarax kale oo 2-aad oo aad u xooggan ayaa laga maqlay aaga uu ka dhacay qaraxii hore, xaaladda magaalada Muqdisho ayaana xilligan ah mid qasan oo cabsi badan dadku dareemayaan, qaraxyadaan ayaa dhimasho iyo dhaawacyo badan geystay, waxaana aad loo la yaabay Gabar yar oo qiyaastii hal sano yar ayaa laga soo hoos bixiyay Hooyadeed oo meyd ah..

221710cookie-checkQaraxyo aad u Xoogan iyo Dagaalo ayaa ka socda Xarunta Wasaarada Waxbarashada
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com