Madaxtooyada Villa Somalia Oo lagu Eedeeyay Dhismaha Ururo Bulsho Rayid Oo Gacan ku Sameys ah…

Somalia news

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa kulan dood adag ka dhalatay oo ay faafisay Madaxtooyada Villa Somalia kuna sheegtay inuu dhex maray Madaxweynaha iyo Horumuudka Bulshada Rayidka Soomaaliyeed (Dhalinyarada), iyadoo la wada ogyahay in 7-sano ee u dambeysay uusan shaqeynin Ururkaasi…

Qoraal ay Mdaxtooyada soo saartay ayaa lagu sheegay inuu Madaxweynaha la kulmay Xubno ka tirsan Ururka Dhalinyarada isla markaasna uu sii wadi doono la-tashiyada xaqiijinta hiigsiyada Dalka uuna kulmi doono Ururada, Waxgaradka, Aqoonyahanka iyo Haweenka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa uga warbixiyey “Dhalinyarada iyo Aqoonyahanka uu la kulmay arrimaha uu mudnaanta siinayo, kuwaas oo ay ugu horreyso xoojinta fursadaha shaqada, kobcinta dakhliga, ciribtirka Kooxaha Argagixisada, dhameystirka Dastuurka iyo xaqiijinta hiigsiga Soomaali heshiis ah, isagoo ku amaanay Dhalinyarada Soomaaliyeed sida ay uga go’an tahay difaaca dalka iyo xoojinta dowladnimada”.” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Madaxtooyada.

Xubnaha kulanka ka dhex muuqday ayaa u badnaa Shaqaalaha Dowlada oo dhswaan la shaqaaleysiyay, Cubno u dhow Madaxda sare ee Dowladda iyo Shaqsiyaad kale, waxaana eeda ugu weyn loo jeediyay Wasiiru dowlaha Madaxtooyada Abshir Bukhaari oo kulankaasi diyaariyay, Xubnaha Bulshada rayidka ee laga yaqaan Muqdisho ayaan ka muuqan kulankaasi, waxaana Dadka qaarkii ay ku doodeen inay Maamulka Demi jadiid ay abuurtay Ururo Bulsho cusub oo rayid ah.

289980cookie-checkMadaxtooyada Villa Somalia Oo lagu Eedeeyay Dhismaha Ururo Bulsho Rayid Oo Gacan ku Sameys ah…
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com