Go’aan Laga Gaaray Dib u Eegis lagu Sameeyay Heshiiska Dekeda Boosaaso

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari (Puntland) ayaa sheegaya in Madaxweynaha Maamulka Mr.Siciid Deni uu sheegay in dib u eegis lagu sameeyay heshiiska dekedda Boosaaso ee DP World…

Mr.Deni ayaa tilmaamay in dhowr maalmood ka hor uu soo dhammaaday heshiiska dib u eegista, kaasoo meesha ka saaraya shirkaddii dekedda maamuleysay ee P&O. Wuxuuna heshiiska cusub dhigayaa iney dekedda maamusho shirkad cusub oo ay wadaagaan Puntland iyo DP World, taasoo ay 25% leedahay dowladda Puntland.

Madaxweynaha Puntland wuxuu sheegay in shirkadda cusub ee maamuleysa dekedda Boosaaso dhawaan magaceeda la shaacin doona, shaqada larabo in ay qabatana ay sida ugu dhakhsiyaha badan u bilaabi doonto, hadalka Mr.Dani oo ka jeediyay degaanka Waaciye oo uu maanta safar ku maray.

170390cookie-checkGo’aan Laga Gaaray Dib u Eegis lagu Sameeyay Heshiiska Dekeda Boosaaso