Hab-dhowrihii Baarlamaanka Oo Xildhibaan loo doortay

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya magaalada B/weyne ayaa sheegaya in Xildhibaan Maxamed C/llaahi Xasan oo loo yaqaano (Nuux) oo ahaa Habdhowraha Golaha Shacabka ayaa ku soo baxay kursiga #HOP274 oo doorashadiisa ka dhacday Beledweyne…

Maxamed C/llaahi Xasan Nuux ayaa la doonayay in lagu bedelo Sarkaal NISA ka tirsan oo lagu magacaabo C/risaaq Eritariyaan oo ahaa ninkii hayay Galalka sirta ah ee Dhalinyaradii loo qaaday Eritrea.

Hase ahaatee Madaxweynaha Koofur Galbeed C/casiis Lafta Gareen oo saaxib dhow la ah Nuux ayaa ku hagoogtay, isla markaana si usoo saaro wuxuu miiska dul-saaray inuu kursiga Xildhibaannimo dhaafiyo Guddoomiye kuxigeenkii 1aad C/weli Muudey oo Fahad Yaasiin uu daneynayay in laga reebo iyo nin kale oo NISA ka tirsanaa oo Xildhibaanimo ugu soo saaray oo lagu magacaabo Aweys.

170360cookie-checkHab-dhowrihii Baarlamaanka Oo Xildhibaan loo doortay