Maxaa Xiligaan Loogu Baahday Tirakoobka Lagu Sameynayo Shacbiga Somalia..

Somalia news

Dowladda Federaalka ayaa daaf furtay mashruuc ay ugu magac dartay tirakoobka Dadweynaha iyo Guryaha ee Dalka, Ra’isul Wasaare ku-xigeenka Mr.Saalax Axmed Jaamac ayaa si rasmi ah xariga uga jaray Barnaamijka Qaran ee Tirakoobka…

Barnaamijkaan ayaa waxa soo wada agaasimay Wasaaradda Qorsheynta iyo Horumarinta Dhaqaalaha iyo gaar ahaan Hay’adda Tirkoobka Somalia, kuxigeenka Wasiirka 1-aad Mr.Saalax Axmed ayaa sheegay “Waxaynu rabnaa in aynu si weyn u bogaadinno dadaalka Wasaaradda Qorsheynta, Hay’adda istaatistikada iyo Madaxweynaha, waxa uu la yimid hal abuur cusub iyo hiigsi cusub, isagoo yiri ma aha in aynu shalay ka fakarno iyo wixii dhacay ma aha in aynu maanta iyo dhibaatada inagu habsatay fakarkeenna kusoo koobno, ee bal aynu hiigsanno 2060, tanina qayb ayey ka tahay”.

Agaasimaha Hay’adda Istaatistikada Somalia Sharmarke Faarax, ayaa BBC-da uga warramay qorshaha barnaamijkan, isagoo yiri ” waddamada dunida oo dhan 10-kii sanaba waxaa laga qabtaa tirokoob, Soomaaliyana waxaa ugu dambeysay sanadkii 1974-tii, marka tiro koobka la sameyn doono waa dhammaadka sanadka 2024-ka taasoo ka dhigeysa in dadka iyo guryaha Soomaaliyeed aan la tiro koobin muddo 50 sano ah.”

Dad badan ayaa is weydiinaya suuragal nimada in Xiligaan Somalia oo dhan laga qaban karo tirakoob, maadaama haatan qaybo kamida Dalka ay weli gacanta ku hayaan argagixisada ShabaabMmamulo Gooni isku taagay iyo Kuwa mucaaradsan Maamulka Villa Somalia sida ay u arkaan Mashruucaan, iyadoo loo qorsheeyay iney ku baxdo 150-Millions US$.

254490cookie-checkMaxaa Xiligaan Loogu Baahday Tirakoobka Lagu Sameynayo Shacbiga Somalia..