Go’aankii Garaadada iyo SSC-Khaatumo Ku Joojiyeen Gaadiidka iyo Ganacsiga Oo Dhaqan Galay..

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya Degaanada hoos taga Gobolka Sool ayaa sheegaya in isu socodka gaadiidka laamiga dheer ee degaannada Somaliland iyo SSC-Khaatumo ayaa gebi ahaanba xirmay, kadib markii ay Guddigga Garaadada iyo Ssc iyo Khaatumo ku joojiyeen Gaadiidka iyo Ganacsiga..

Guddigaan Maamulka ayaa dhawaan xayiraad ku soo rogay dhaq dhaqaaqa ganacsiga iyo isu socodka gaadiidka labada dhinac, Wararka ayaa xaqiijinaya inuu si rasmi ah u dhaqan-galay go’aankii Guddigaan ay gaareen islamarkaana uu xirmay isu socodka laamiga dheer.

Sidoo kale gaadiid xamuul ah oo go’aankaas kadib isku dayay in ay laamiga maraan ayaa lagu xannibay kantaroollada Tukaraq iyo Gambadhe, talaabadaan ayaa la sheegay in durbadiiba laga dareemay Gobolka Togdheer iyo degaanada ku xeeran kuwaasoo xuduud ka leh Gobolka Sool.

252300cookie-checkGo’aankii Garaadada iyo SSC-Khaatumo Ku Joojiyeen Gaadiidka iyo Ganacsiga Oo Dhaqan Galay..