Qatar Oo Culeys Ku Ah Nabada Iyo Doorashada Somalia

Somalia news

Waxaa shaki ku jirin in dhaqaale Buuran ay bixiyeen Maamulka Dooxa sidii loo burburin lahaa Nidaamka curdanka ah ee Dowlada Federaalka, iyadoo Maamulka Fashilmay ee Farmaajo uu Gudoonka Golaha Shacabka ku qasbay in Shuruuc muran badan dhaliyay laga ansixiyay Golahaasi, waxaana dhegaha laga fureystay baaqyada dowlad gobaleedyada xubnaha ka ah Federaalka Soomaaliya, xili aan lagu heshiis saami qeybsiga Siyaasada iyo Kheyraadka Dowlada Federaalka iyo Dowladaha xubnaha ka ah sida uu qeexayo Dastuurka Somalia….

Xasilooni darada siyaasadeed ee xiligan ka jirta dalka ayaa iyaduna ah mid aan la aqoon halka ay salka dhigan doonto hadii Madaxweyne Farmaajo ku adkeysto xil kororsiga uu sida weyn ugu dadaalayo, isagoo dhiiri gelin iyo dhaqaaleba ka helaaya Dalalka Qatar iyo Turkiga.

Danjiraha Qatar ee Muqdisho ayaa si ka baxsan Howlaha Loo igmaday wuxuu toos faraha ugu jiraa Arrimaha gudaha ee Somalia, isagoo culeysyo iyo cadaadis ku saaraayo sidii ay u hirgeli laheyd muddo kororsi Maamulka Fashilmay ee Farmaajo, wuxuuna Kulamo la qaatay Maamulada Gobolada ee Galmudug, Hir-Shabelle iyo Konfur Galbeed, kuwaasoo u sameeyay balanqaadyo been ah.

Maamulka Dooxa iyo Kan Villa Somalia ayaa iska kaashanaya sidii go’doon Siyaasadeed loo gelin lahaa Dowlad goboleedyada Puntland iyo Jubbaland, waxaana looga digay Safiirada Qatar iyo Turkiga iney faraha kala baxaan Arrimaha gudaha ee Somalia.

Waxaa iyaguna meesha ka marnayn danaha dalalka reer Galbeedka oo iyagu ah kuwo dhaqaalaha ugu badan ku taageera Dowlada Federaalka, kuwaasoo laftooda muddo dheer damac weyn uga jiray khayraadka dalka, dalalkan ayaa ah kuwa bixiya dhaqaalaha ciidamada AMISOM ee ilaaliya Dowlada Federaalka.

52200cookie-checkQatar Oo Culeys Ku Ah Nabada Iyo Doorashada Somalia