Khilaafka Doorashada Puntland Oo Lugaha la Galay Odayaasha, Waxgaradka & Ciidamada

Somalia news

Warbixino hordhac ah ayaa muujinaaya in Khilaafka Siyaasadeed ee Muranka Doorashada degaanada Puntland uu lugaha la galay Odayaasha Dhaqanka, Waxgaradka Dhalinyarada iyo Ciidamada, kadib markii ay xubno ka tirsan Qeybahaan ay diidmo xoogan ka muujiyeen hanaanka diiwaan galinta doorashada qof iyo cod…

Kulan ka dhacay magaalada Garoowe oo ay isugu yimaadeen Waxgaradka & Dhalinyarada ayaa lagu taageeray codsi ay dhawaan jeediyeen Odayaasha & Nabadoonada Gobolka Nugaal kaasoo loo diray Guddiga KMG ee Doorashada Puntland, waxeyna dalbadeen in dib loo dhigo diiwaangelinta lagu muransan yahay ee ay shaacisay jadwalka TPEC in 7-da Bishaan magaalada Garoowe ka bilaabaneyso.

Dhanka kale, Qoraal ay soo saareen Xubno Saraakiil ka tirsan Ciidamada Puntland ayaa ka digay in “boobka doorashada Hubeysan”, waxeyna Maamulka Dani oo Fariisin ka dhigtay Xerada Taliska Ciidamada PMPF ugu baaqeen inuu ka fogaado dhacdo kasta oo horseedi karta xasilooni darro iyo iska hor-imaad hubeysan.

Aqoonyahannada Degaanka ayaa welwel ka muujiyay in geedi socodka Dimuqaradiyenta Puntland uu halis ugu jiro inuu saqiiro, kadib markii Tijaabooyinkii Doorashada ahaa ay soo shaac baxeen khaladaad salka ku haya is daba marin gaar ahaan cod kala iibsasho iyo in la diiwaan geliyay Dad Qaxooti ah oo degaanka Amaanka u soo raadsaday.

240850cookie-checkKhilaafka Doorashada Puntland Oo Lugaha la Galay Odayaasha, Waxgaradka & Ciidamada