Golaha  Amaanka ee UN-ka oo u soo jeediyay Somalia & Ethiopia iney khilaafkooda ha xaliyaan

Africa News Somalia news

Kulankii Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay oo looga hadlaayay Dacwada ay Somalia u gudbisay kuna aadan xadgudubka Midnimada Dhuleed/Xeebeed ee ay Dowlada Ethiopia, kadib markii ay heshiis is-Afgarad la yeelatay Maamulka gooni goosadka Somaliland kaasoo u oggolaanayaa iney maamulato Xeebta Degmada Lughaya iyo ilaa Xuduuda labada Dal..

Kulankaan ayaa si gaar ah diirada loogu saaray xiisada siyaasadeed ee ka dhaxeysa  Dowladaha Somalia iyo Ethiopia oo cirka isku sii shareeraysa loona baahan  yahay in marka hore ay raali gelin ka bixiso kana laabto Heshiiska, Danjire Meles Alem ayaa saxaafadda u sheegay in Ethiopia ay ka codsatay IGAD iney ku baaqdo shir madaxeed kale oo looga hadlayo heshiiskii marin-badeedka ee bishii hore ee ay ka carooday Dowladda Federaalka.

Golaha Amaanka waxay 29-kii bishii January qabteen shir ciwaankiisu ahaa ‘Nabadda iyo Amniga Afrika’, iyadoo Somalia ay codsatay Kulankaasi, si kastaba ha ahaatee Goluhu wax faahfaahin ah kama uusan bixin go’aankoodu ku aadan Dacwada Somalia, ku darsoo Ururka IGAD ayaan weli jawaab rasmi ah kama soo saarin codsiga Ethiopia.

306110cookie-checkGolaha  Amaanka ee UN-ka oo u soo jeediyay Somalia & Ethiopia iney khilaafkooda ha xaliyaan