Maxaa ka Run ah Guddi Beesha Habarjeclo ay Gorgortan ugu Jirto Siideynta Maxaabiista Laga Hayo..

Somalia news

Macluumaad hordhaca ah ayaa laga helayaa Maamulka Muuse Biixi oo Jabkii ka soo gaaray Xoogagiisa 25-kii Bishii August 2023-kii lagana qabsaday Fariisimadii, Maxaabiis iyo intii badneyd Hubkii ay ku soo dagaal galeen, ayaa hadda waxaa la sheegayaa inuu wado Qorshe dhabar jebin ah iyo isku shaandheyn Xoogagiisa…

Wararka ayaa sheegaya in Madaxii Xoogaga Hubeysan Maamulka Somaliland Nuux Ismaaciil Tani laga qaaday Xilka, iyadoo Xilkaasi loo magacaabay Axmed Hurre Haariye oo Madaxa ka ahaa Difaaca Xeebaha wuxuuna ka soo jeedaa Beesha Habarjeclo, isagoo horey madax uga soo noqday Hogaanka Howlgelinta, wuxuuna dadaal ugu Jiraa (Muuse Biixi) in Beesha Habarcelo ineysan heshiis la gaarin Maamulka SSC.

Dhanka kale, Guddida Beesha Habarjeclo, ayaa maalmihii u dambeeyay waday dedaalo lagu doonayo in lagu soo daayo Maxbuuska Faysal Cabdi Bootaan oo dagaal ay ku qabteen Xoogaga SSC 25-kii August 2023, Maxbuuskaan ayaa la sheegayaa inuu xiriiro kala duwan la sameeyay Madax-dhaqameedka beeshiisa iyo qaar ka mid ah Saraakiisha Xoogaga Somaliland oo uu ka dalbaday in aaney fulin wax dhaqdhaqaaq ah oo xiisada uga sii dari karta, Beesha SSC ayaa la sheegayaa iney dalbkeeda siideynta raacisay in Guddida Beesha Harajeclo ku dhawaaqdo iney ka baxday dagaalka isla markaana aan degaanadeeda looga soo duulin ay damaanad qaado.

277020cookie-checkMaxaa ka Run ah Guddi Beesha Habarjeclo ay Gorgortan ugu Jirto Siideynta Maxaabiista Laga Hayo..