Ma Dhabaa in Bank Aduunka uu Digniino Dul Dhigay Wasaarada Maaliyada Somalia..

Somalia news

Qoraal digniin xambaarsan ayna soo saareen Banka Aduunka ayaa uga digay in Howlwadeenada dhinaca dhaqaalaha in xisaab-xirkii sida loo maamulay dhaqaalihii Bangiga Aduunka baxday aan lasoo gudbin, kaasoo waqtigiisu ahaa in loo gudbiyo Bangiga Aduunka 31-Dec-2022, hase yeeshee aan ilaa hadda lahaynin.

Qoraalka ayaa lahu xusay in 9-bilood oo dheeraad ah oo soo gudbin xogta ay codsatay in Xafiisyada Masliyada ee Dowladda Federaslka loogu daro ayaa lagu sheegay warqadan in ay ku e’ey tahay 31-ka bishan March oo aan la kordhin doonin.

Bangiga Aduunka ayaa uga digay Xafiisyada Maaliyada in haddii aan warbixinta la soo gudbin ay qaadayaan tallaabooyinka ah:-

-Mashaariicda hadda fulinteeda socoto lama kordhin doono.

-Mashaariicda qorsheysan lama soo deyn doono.

-Dhammaan wada xaajoodyada ayaa dib loo dhigi doonaa, xitaa kuwa hadda qorsheysan in lasoo daayo bisha Abriil 2024.

-Dhammaan lacagaha hadda qorsheysnaa ayaa la hakinayaa, sidaas oo kale lacagaha hadda mashaariicda socota ah ayaa la hakinayaa.

-Hagayaasha mashaariicaha hadda socda iyo kuwa qorsheysan dhaqaalaha ay helaan ayaa lahakinayaa.

-Bangiga Aduunka wuxuu hakinayaa deeqaha ay saameynayso warbixinta aan lasoo gudbin.

-Saddex Mashruuc oo ay tahay in April 2024-ka la fasaxo oo uu bixinayo dhaqaalahooda Bangiga Adduunka ayaa lahakinayaa.

317790cookie-checkMa Dhabaa in Bank Aduunka uu Digniino Dul Dhigay Wasaarada Maaliyada Somalia..