Calaamadaha Lagu Aqoonsado Hadduu Vitamin D Kaa Dhacsan Yahay…

Health Somalia news

Maqaalka Caafimaadka:-Vitamin D wuxuu ka mid yahay Vitaminada ugu muhiimsan ee aynu u baahanahay, Wuxuu masuul ka yahay qaar ka mid ah howlaha aas-aasiga ah ee jirka, sida inuu xoojiyo Lafaha, Habdhiska difaaca Jirka iyo Fayow qabka guud….

Hadaba Astaamaha lagu ogaan karo hadii Vitamin D uu kaa dhacsan yahay, inta badan horay lagama fahmo calaamadaha vitamin D yarida waxaana lagu qaldaa cillado kale oo caafimaad, Astaamaha ugu caansan ee fitamiin D yarida waxaa ka mid ah:

  • Tabar yari
  • Murqaha oo daciifa
  • Lafo xanuun
  • Xanuun joogto ah
  • Niyad jab
  • Timo daadasho
  • Bogshada dhaawacyada oo daahda

Vitamin D badanaa wuxuu hoos u dhac Qofku ku yimaada Bilaha jilaalka ee uu yar yahay iftiinka Qorraxda, Haweenka Soomaalida ee ku nool  wadamada reer galbeedka in badan oo ka mid ah waxaa lagu sheegaa vitamin yaraan.

Sidee si dabiici ah loogu kordhin karaa fitamiin D?

Iftiinka qorraxda: Sida ugu fudud islamarkaana dabiiciga ah ee loo kobcin karo fitamiin D waa helidda qorrax kugu filan maalin kasta.

Cunnada: ku dedaal Raashinka Vtamin D hodanka ku ah sida Kaluunka dufanka leh, Caanaha, Ukunta Qaybta jaallaha ah iyo Cunnooyinka lagu kabay fitamiin D.

306171cookie-checkCalaamadaha Lagu Aqoonsado Hadduu Vitamin D Kaa Dhacsan Yahay…
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com