Maxaa Xal ah Dib u Soo Laba-Kacleynta Burcad Badeedka & Tirada Maraakiibta Dagaal ee Xeebaha Somalia Dhooban..

Somalia news

Muddo 6-Maalmood ah ayaa Markab Ganacsi oo lagu magacaabo MV Ruen oo ka soo shiraacday xeebaha Somalia la afduubtay 14-kii Bishaan, iyadoo Lagu eedeeyay Koox Burcad badeed Somalia ah oo xiriir la leh kooxda Xuutiyiinta Yemen oo ay dambeeyaan afduubkaasi lagu hayo xeebaha Gobolka Bari…

Waxaase la yaab ah in 2-Markab oo dagaal mid ay iska leedahay Spain midka kalena lagu sheegay Indian Navy ay goobta ka dhawaayeen kana gaabiyeen iney u gurmadaan, Khubaro Amaan ayaa si cad u sheegay in Kooxda ay heystaan fasax xeebta ah “ Guushana waxey dhalisaa Guul”, Diblomaasi reer Europe ah ayaa sheegay “ in Kororka iyo Xiriirka iskaashi ee Burcad badeedka iyo Kooxda Xuutiyiinta uusan aheyn wax iska yimid,” wuxuna intaasi raaciyay “ Meel aan Sharci ka jirin oo Calooshood i shaqeysatayaal maamulaan iney Isbaheysi isu bedelaan waa Macquul”.

Ku Darsoo Maraakiibta Dagaalka ee xeebaha Somalia dhooban waxey ilaaliyaan Maraakiib Kaluumeysi oo Shirakadahoodu leeyihiin ee ma ilaaliyaan xeebaha, Shirkadaha Ceymiska ayaa horaantii Bishii Janaayo Sanadkaan ineysan jirin khatar Burcad badeednimo ee ka jirta Badweynta Hindiya, Dhacdada Markabkaan iyo midka lagu qabtay Koox Shan Burcad badeed Somali ah ay yihiin kuwa go’doon ah.

Xiriirka Burcad badeedka Somalia iyo Kooxda Xuutiyiinta ayaa aad loo hadal hayaa Bilihii u dambeeyay, iyadoo Maamulka Puntland lagu eedeeyay inuu fududeeyay xiriirkaasi kadib markii uu fasax kaluumeysi siiyeen Doomaha Kaluumeysiga Dalalka Iran iyo Yemen, Guddiga Dagaalka wadajirka ah ee Suuqyada Ceymiska ee London ayaa sheegay iney sii wadi doonaan soo saarista liiska khataraha ee xeebaha Somalia loona baahan yahay in laga feejignaado.

294540cookie-checkMaxaa Xal ah Dib u Soo Laba-Kacleynta Burcad Badeedka & Tirada Maraakiibta Dagaal ee Xeebaha Somalia Dhooban..