Maxaa Keenay in Ciidamada Dib uga Soo Baxaan Aagaga Dagaalka ee Shabeelada Dhexe

Somalia news

Warbixino hordhac ayaa muujinaaya in Horjoogayaasha Kooxda Shababka ku guuleysteen iney ugu yaraan hakiyaan Duulaanka Ciidamada Dowlada iyo kuwa deegaanka oo maalmahaan ku sugnaa degaanka Nuur dugle, kadib markii dib u abaabuleen Dagaal beeleed khasaare badan dhaliyay…

Xogtaan ayaa xaqiijisay in agagaarka degmada Cadale uu ka qarxay dagaal beeleed lagu hoobtay una dhaxeeya laba jufo oo ka tirsan Beelaha Abgaal kaasoo saameyn weyn ku yeeshay Duulaanka uu hogaanka u hayaan Madazweyaha Hirshabelle iyo Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka, waxeyna amreen in Ciidamada dib uga soo baxaan degaano dhowr ah.

Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa baaq nabadeed u diray beelo ku diriray degaanno hoos yimaada degmada Cadale in si shuruud la’aan ah ay ku joojiyaan colaadaas, wuxuuna xusay in ay nasiib darro wayn tahay in waqtigaan la joogo dad ehel uu dhexmaro dagaal sokeeye iyadoo deegaanaddaas uu ka socdo howlgallo lagu ciribtirayo Shabaabka.

Colaadda beeleed ee Degmada Cadale ayaa salka ku haysa muran ka dhashay lahaanshiyaha dhul, Waxaana ku geeriyooday dad badan oo kor u dhaafaaya 20-qof oo labada dhinac ah, kuwa kalena way ku dhaawacmeen, waxaa si gaabis ah u socda dadaalo lagu joojinaayo inkastoo uu Madaxweynaha Dalka uu mashquul ku yahay Safaro dibadeed oo uu qaarkood ka baaqsan karay si uu u Hogaamiyo Duulaanka uu ku dhawaaqay.

224700cookie-checkMaxaa Keenay in Ciidamada Dib uga Soo Baxaan Aagaga Dagaalka ee Shabeelada Dhexe
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com