Muxuu Yahay Xiriirka Ka Dhaxeeya Shirkada Adidas & Maamulka Dowlada Israel..

World

Shirkada Adidas oo laga leeyahay Dalka Germany soona saarta Dharka iyo Kabaha qeybaha kala duwan ee Ciyaaraha, ayaa la aasaasay 1924-tii, iyadoo xiligaasi loo yaqaanay “Dassler Brothers Shoe Factory”, waxaana ku shirkoobay 2-Walaalo ah (Adolf -adi- & Rudolf Dassler -das-)..

Waxaa la sheegay in Khilaaf xoogan uu soo kala dhex galay Walalahaan, kaasoo horseeday in Adolf uu ku haro Adidas, halka Rudolf uu aasaasay Shirkafa Puma oo soo saartay Dharka Sportiga kala duwan, inkastoo Adolf iyo Walaalkiis sanadkii 1933-dii ayaa lagu eedeeyay iney ku biireen Xisbigii Nazi-ga ee Adolf Hitler.

Xiriirka Israel iyo Adidas

Adidas ayaa ka fogaata in tixraac taariikheed lagu sameeyo xiriirkii kala dhaxeeyay Nazi-ga, waxeyna dhaqaale badan ku siisaa Dowlada Israel, si aan loo tixraacin xiriirkaasi, waxeyna maalgelisaa Xiriirada Sportiga Israel, iyadoo mar kasta oo la xuso khilaafka ka dhaxeeya Israel iyo Falastine, ayaa Dalalka Muslimiinta iyo kuwa Carabta waxey qaadhacaan noocyada dharka Adidas laga soo bikaabo sanadkii 2012-kii, sababo la xiriira iney Adidas ay qeyb ka aheyd Maalgeliyayaashii tartanka “Marathon-ka Qudus”, kaasoo lagu qabtay Dhulka Palestine fasax la’aan.

290830cookie-checkMuxuu Yahay Xiriirka Ka Dhaxeeya Shirkada Adidas & Maamulka Dowlada Israel..