Wasiirka Arrimaha Dibeda Ee Somalia Oo Ku Sugan Addis Abeba

Somalia news

Kadib markii Wasiirka 1-aad ee Dowladda Federaalka uu Qoraal u diray Golaha Nabada & Amaanka AU-da, isagoo ka dalbaday in la bedelo Wakiilka AU-da Madaxda uga ah Amisom ee Somalia Mr.Francisco Madeira, isagoo ku adeeyay inuusan dhex dhexaad ka aheyn Khilaadka Farmaajo iyo Rooble…

Xogtaan ayaa tilmaamtay in Xiisadaan uu soo dhex galay Wasiirka Arrimaha Dibeda ee Somalia Mr.Cabdisaciid oo xiligaan ku sugan magaalada Addis abeba, wuxuuna kulamo la leeyahay Madaxda AU-da, kala hadlaaya Arrimaha ku xeeran Madaxa Amisom ee Somalia Mr.Francisco Madeira.

Ilaa hadda lama yaqaano in Mr.Cabdisaciid inuu Rooble u wakiishay Arrintaan, balse wuxuu Mas’uuliyiinta AU-da u sheegay iney Qoraal ka dalbadaan Wasiirka 1-aad Mr.Rooble, waxaana shaki ku jirin in Mr.Cabdisaciid uu si hoose ula shaqeynaayo Mr.Madeira, isagoo Gacan ka helaaya Villa Somalia.

164370cookie-checkWasiirka Arrimaha Dibeda Ee Somalia Oo Ku Sugan Addis Abeba