Dagaalka Laas caanood & Dhabar jebinta Horgalada Hunguriga ka Door biday Halganka Dadkooda

Somalia news

Inkastoo Dagaalka ka socda magaalada Laas caanood oo ay hormuud ka yihiin Odayaasha Dhaqanka, Waxgaradka & Haweenka oo gacan oa helayaa Ururka Hubeysan ee SSC uu gaaray marxalad adag, ayaa hadana la sheegay inuu isbaaro u dhigtay Horgale Mahad Cambaashe oo degaanka ka soo jeeda kaasoo la sheegay inuu sandareeeto dhaqaale ku gumaadayo Dadkiisa…

Wararka ayaa sheegay in Horgalahaan iyo tiro Maleeshiyaad ah ay Gurmadka Saadka iyo sahayda u gudbiyaan Xoogaga ku sugan Xerada Gooje-cadde, isla markaasna dhaawacyada gaarsiiya degaanka Yagoori, dadaalo iyo isku dayo la doonaayay in lagu qanciyo ama looga saaro magaalada ee Horjoogahaan ayaa ku soo dhamaaday Fashil, wuxuuna caqabad ku yahay dagaalada socda.

Horjoogahaan ayaa la sheegay in Maamulka Hargeysa ka qaatay bishii 80.000 US$, wuxuuna ku doodayaa in 80-Nin iyo Tiro Gadiid dagaalka oo tababaro loogu qaaday magaalada Hargeysa ay naftooda halis ku jirto hadii uu ku biiro Dagaalka iyo Tiro Siyaasiyiin ah degaanka ka soo jeeda, iyadoo Garaadada iyo Waxgaradka kale ay ku qanci waayeen sheekada horgalaha, waxeyna Mahad u arkaan inuu halis ku yahay Kacdoonka ayna tahay in go’aan deg deg ah laga gaaro.

243800cookie-checkDagaalka Laas caanood & Dhabar jebinta Horgalada Hunguriga ka Door biday Halganka Dadkooda