Boliiska Holland Oo Qabtay Nin Rasaas Ku Furay Safaarada Sacuudiga

World

Saraakiisha Amaanka ee dalka Holland ayaa la sheegay inay xabsiga u taxaabeen nin lagu tuhunsan yahay inuu ka dambeeyay weerar Khamiistii lagu qaaday Safaarada Sacuudiga uu ku leeyahay magaalada The Hague….

Wararka ayaa sheegaya in Rasaas badan subaxnimadii Khamiista lagu furay Albania hore Ee laga galo dhismaha safaarada Sacuudiga ee ku taal bartamaha magaalada The Hague, weerarkan ayeysan cidna ku dhaawacmin, Ciidamada Amaanka oo xiray goobtaasi ayaa baaritaan saacado badan qaatay kadib hawlgal ay sameeyeen kusoo qabtay nin lagu tuhunsan yahay inuu weerarkan geystay.

Illaa iyo hada wax faah faahin ah lagama bixin sababta weerarkan ka dambeysay iyo waliba eedaysanaha la tuhunsan yahay inuu falkaan ku kaca, dhowaan ayeey aheyd markii Nin Dabley ah uu weerar ku qaaday Saraakiil ka tirsan Safaaradaha Reer galbeedka ee Magaalada Jiddah Ee Sacuudiga.

72200cookie-checkBoliiska Holland Oo Qabtay Nin Rasaas Ku Furay Safaarada Sacuudiga