Shirkii Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada Oo Dib U Dhacay

Somalia news

Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday ee Mr.Farmaajo ayaa dhawaan ku baaqay in 15ka bisha Feberaayo oo maanta ku beegan magaalada Garoowe uu ka furmayo shir wada tashi ah oo ay isugu imanayaan madaxda dowladda Federaalka, Dowlad Gobolleedyada iyo Gobolka Banaadir….

Shirkaan ayaa dib u dhacay kadib markii madaxda Dowlad Gobolleedyada iyo Dowladda dhexe isku qabteen goobta shirkan uu ka dhacayo kadib markii Puntland ku gacanseyrtay in lagu qabto magaalada Garoowe.

Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Maxamed Xusseen Rooble ayaa maalntii shalay magacaabay guddi ka kooban 14 xubnood oo ka kala socda Dowladda Federaalka, Dowlad gobolleedyada iyo Gobolka Banaadir oo yeelan doona kulamo loogu gogol xaarayo shirka uu iclaamiyay madaxweynaha sii haya xafiiska ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Guddiyadan oo mid labo xubnood ka kooban ayaa la filayaa in ay ku shiraan magaalada Baydhabo ee xarunta KMG u ah maamulka Koonfur Galbeed.

Marka laga soo taggo guddiyada uu magacaabay Ra’iisal Wasaaraha waxaa wali jirta hubinta la’aan la xiriirta halka uu ka furmayo shirka ay isugu imanayaan madaxda DF iyo Dowlad gobolleedyada.

95170cookie-checkShirkii Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada Oo Dib U Dhacay