Ma Dhabaa In Xundubey Lagu Bedelaayo Rooble

Somalia news

Sida Xogaha naga soo gaaraan Farmaajaha Fashilmay oo kaashanaaya Gudoomiyihii Hore Baarlamaanka iyo Eedeysane Fahad Yasin ayaa Wada qorshe xil looga qaadyo Wasiirka 1-aad Ee Dowladda Xil gaarsinta Mr.Rooble, kaasoo ka hor yimid qorshahooda boobka Doorashada ku dhisan…

Xogtaan ayaa Warsidaha Diinah.com news u xaqiijisay in La dejiyay Qorshe lagu bedelaayo Wasiirka 1-aad Mr.Rooble, waxaana loo magacaabi doonaa Wasiirkii Hore Ee Amniga Mr.Xundubay, halka Qorqor uu wato Mr.Axmed Cabdisalan, Shaqsiyaadkaan midkood ayaa Dalka muddo laba sano ah ku Hogaamin doono Doorasho Farmaajo iyo Kooxdiisa ay raali ka yihiin, waxaana laga cabsi qabaa hadii Qorshahaan uu dhaco filo Muwaadinow inuu dalka dagaal sokeeye gelaayo Oo dhiig badan ku daato.

Dhanka kale Farmaajo ayaa Kulan Qarsoodi ah la qaatay Madaxda Qeybaha Ciidamada (Xoogga Dalka, Boliiska, Asluubta iyo NISA) kuwaasoo uu culeys ku saaray iney qabtaan War-Saxaafadeed wadajir ah, kuna sheeg aan iney Digniino u dirayaan Odayaasha Dhaqanka, Siyaasiyiinta & Waxgaradka Magaalada Mogadishu isla markaasna ay difaaci doonaan Kaligii taliyaha Farmaajaha Fashilmay.

158250cookie-checkMa Dhabaa In Xundubey Lagu Bedelaayo Rooble