Hay’adda Sirdoonka Waa Dheef iyo Dhib Dadka & Dalku u Wada Baahan Yahay

Somalia news

Dalalka Aduunku waxey ka siman yihiin yagleelida Hey’ad Sirdoon, waxaana u adeega Hawlwadeeno Ciidan & Rayida isugu jira, kana howlgala Dalka gudahiisa iyo Dibadiisaba, si ay u xuuramaan adeegyada sirdoonka lagu sugayo Amniga, iyadoo shaqadooda ugu weyn ay tahay dhowrista amniga Muwaadiniinta, Dhaqangelinta iyo Dhowrista Dastuurka iyo Shuruucda Dalka…

Howl fulinta Hey’adda wuxuuna sharcigu awood u siinayaa iney Eedeysanayaasha soo qaban karaan 48-Saacna xiri karaan, dhegeysan karaan isgaarsiintooda, baari karaan, shirqooli karaan, masaafurin karaan, iyo iney xanibi karaan hantidooda ama qabsan karaan agabkooda, waxaana lagama maarmaan ku ah Saraakiisha sirdoonka iney hawlgaladaas ay wada shaqeyn kala yeeshaan Waaxda cadaalada iyo garsoorka ee Dalku leeyahay si loo sugo xaqa uu siinaayo Dastuurka iyo Sharciga Dalka u degsan.

55-tii sano ee u Dambeysay Dalkaan Hey’adihii soo maray inkastoo tayadooda shaqo gaartay heeer sare hadana kama marneyn iney u adeegto Maamulka talada haya halkii looga baahan yahay iney u shaqeyso oo keliya danaha guud ee waxtarka u ah wanaaga Umadda iyo Maslaxadda Qaranka.

Xiligaan Qaranka Soomaaliyeed oo ku jira soo kabasho, ayaa Waxaa la sheegay in Hey’adaani (NISA) ay Caasimada kaliyah ku leedahay 4-5 Xabsi oo gaar ah kuwaasoo ay ku xiran yihiin tiro badan oo maxaabiis ah kuwaasoo qaarkood la sheegay iney muddo 4-sano ku juraan Xabsiyada, iyada oo aan Maxkamad la horgeynin, ku darsoo dhaqaalaha ku baxa Raashinka Maxaabiista iyo Daawada waxaa bil kasta bixiya Dowladda Mareykanka, iyadoo uu mas’uul uga yahay Sarkaal ka tirsan FBI laguna magacaabo (John).

238670cookie-checkHay’adda Sirdoonka Waa Dheef iyo Dhib Dadka & Dalku u Wada Baahan Yahay
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com