Gudoomiye Kuxigeenkii Degmada Wanla weyn oo la Dilay & Sababta..

Somalia news

Warar dheeraad ah laga helayaa colaad gaamurtay iyo is-ugaarsi u dhaxeeya Beelo wada dega Degmada Wanla weyn kuwaasoo muddo soo jiitameysay isla markaasna Dowlad Goboleedka iyo Dowlada Federaalka ka gaabiyeen iney heshiis dhex dhigaan Labadaan beel…

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in dhacdo naxdin leh oo dil loogu geystay degaanka Buulo Xaashi Gudoomiye kuxigeenka Degmada Wanla weyn Haashim Shareere oo ka soo jeeda Beesha Hubeer kaasoo ka yimid magaalada Mogadishu, iyadoo lagu weeraray Gaarigiisa xiligaasi ku safraayay.

Inkastoo aysan jirin cid weli sheegatay mas’uuliyadda dilka Shareere, ayaa haddana wararka la isla dhexmarayo waxay sheegayaan inay la xiriirto dagaal beeleedka ka socda Wanlaweyn, Maalmihii u dambeeyay ayaa xiisadahaasi cirka isku sii shareeray, waxaana halkaasi ka dhacayay falal gacan ka hadal ah.

Dadka Degaanka ayaa rumeysan in dilka Shareere uu xiriir la leeyahay khilaaf soo jireen ah oo u dhexeeya Beesha Hubeer iyo Jilib ka Tirsan Beelaha Abgaal. “Waxaa la rumeysan yahay in Shareere loo geystay kiis la xiriira gabar ka soo jeeda beesha Abgaal oo lagu eedeeyay inuu kufsi u geystay nin ka tirsan beesha Hubeer,” ayuu yiri mid ka mid ah dadka Degaanka oo magaciisa qariyay.

261420cookie-checkGudoomiye Kuxigeenkii Degmada Wanla weyn oo la Dilay & Sababta..