Hogaanka Dhaqanka Ee Gobolka Sool Oo Amaro ka soo Saaray Dhaqdhaqaaqa Ganacsiga & Gadiidka

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya Gobolka Sool ayaa sheegay in Isimada iyo Guddiga Isku dhafka ah ayaa Deegaanka Laascaannod ka joojisay in wax Xiriir ah la yeesho Soomaaliland noo kaste oo uu yahay bayaan ay soo sareen maanta, iyaga hoosta ka xariiqay iney joojiyeen Isku socodka Gadiidka iyo Ganacsiga kala dhaxeeyay degaannada Somaliland…

Waxey ku wargeliyeen Dhammaan Hey’addaha kala duwan ee ka shaqeeyo Degaanadooda iney ka mamnuuceen in yimaadaan Magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool iyo deegaannada hoos yimaada, iyaga oo loogu baaqay in aysan wax shaqo ah ka qaban karin, Maamulka SSC ee Khaatumo ayaa ugu baaqay in guud ahaan hey’addaha ka howlgala in aysan soo galin degaannada.

iyagoo sheegay wixii ka dambeeya 15 bishaan April in wax dhaqdhaqaaq ganacsi ah aysan jiri karin, waxeyna ugu baaqeen in 6-da Maalood ee ka dhiman 15 bishaan in lakala qaato wixii Cid walbe ka maqan ee ganacsi ama wax kale ah, waxeyna ugu hanjabeen iney talaabo sharci ah ka qaadi doonaan Ciddii jabiso amarkoodu oo ku aadan in Xayiraada ay soo saareen.

250500cookie-checkHogaanka Dhaqanka Ee Gobolka Sool Oo Amaro ka soo Saaray Dhaqdhaqaaqa Ganacsiga & Gadiidka
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com