Ma Dhabaa in Musharaxnimada Xiddig ay Xagal daacineyso Fursadda Saciid Dani

Somalia news

Xildhibaan Cabdirashiid Xiddig ayaa ku dhawaaqay inuu u sharraxan yahay xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaaka Somalia, Xiddig ayaa boggiisa Facebook ku faafiyay murrashaxnimadiisa, dhawaaqaan ayaa wuxuu lama-filaan ku noqon doonaa Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo ah murrashax u tartamaya inuu noqdo Madaxweynaha Somalia..

Mr.Deni ayaa la sheegay inuu ballanqaad ka haystay Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe oo sheegay inuu ka hortagi doono in qof reer Jubaland ah u tartamo xilka Guddoomiyaha Aqalka Hoose (Baarlamaanka), “Xiddig waxaa wata Midowga Murrashixiinta oo aaminsan in Deni uga baxay ballantii ahayd inuu midkood dhisi doono si uu isagu u noqdo Ra’iisal Wasaare ama soo xulo qofka noqonaya” ayuu yiri Prof. Kabire oo gorfeeye Arrimaha siyaasada gudaha kuna sugan magaalada Muqdisho, Wuxuuna intaas ku daray in murrashaxnimada Xiddig ay shaki ka dhex abuuri doono Deni iyo Axmed Madoobe.

La-taliyayaasha Deni ayaa ka fekeraya sidii ay u dejin lahaayeen istaraatijiyad ka hortagaysa inuu Xiddig ku guuleyso kursiga Guddoomiyaha Aqalka Hoose, “Deni wuxuu culeys ku saarayaa Xildhibaanada uu soo saartay inay u codeeyaan Musharax kale, Taasi waxay yaraynaysaa fursadda uu Xiddig ku noqon karo Gudoomiye Barlamaan” ayuu Prof.Kabire sheegay.

Waa markii 2-aad oo uu Xildhibaan Xiddig isu soo taago u tartanka kursida Guddoomiyaha Aqalka hoose, “Way suurtowdaa in murrashaxnimada Xiddig inay si ku melgaar ah iskugu soo soo dhoweyso Deni iyo Madaxweyne Farmaajo” ayuu yiri Prof.Kabire.

182620cookie-checkMa Dhabaa in Musharaxnimada Xiddig ay Xagal daacineyso Fursadda Saciid Dani
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com