Dhismaha Safaarada Somalia ee Sudan Oo Dabley Hubeysan Gudaha u galeen..

Africa News Somalia news

Faahfaahino ayaa laga helayaa Xoogag hubeysan oo loo maleynaayo iney ka tirsan yihiin Maleeshiyaadka ka amar qaata Hogaamiye kooxeedka Mahamed Hamdan Dagalo, kuwaasoo ka soo horjeeda Ciidamada Dalka Sudan uu hogaamiyo Gen.Abdel Fatah Al-Burhan ay jabsadeen Dhismaha Safaarada Somalia ee Sudan..

Wararka ayaa sheegay in qaateen dhamaan agabkii yaalay Safaarada iyo Gadiid Dad Rayid ah lahaayeen, Dhismahaan ayaa halka uu ku yaalo, waxaa sidoo kale degan Safaaradaha Kenya, Djibouti, Algeria, Libya, Eritrea iyo Zimbabwe, iyadoo aysan jirin cid sheegtay Dhacdaan.

Dowlada Federaalka iyo Hey’adda IMO ayaa horey iskaga kaashaday daadgureynta Shaqaalaha Safaarada Somalia iyo qeybo ka mid ah Ardaydii iyo Jaaliyadii Soomaaliyeed ee ka qaxay Dagaalka Sudan, kuwaasoo lagu guuleystay in Dalka dib loogu soo celiyo.

256110cookie-checkDhismaha Safaarada Somalia ee Sudan Oo Dabley Hubeysan Gudaha u galeen..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com