Shirkadaha Diyaaradaha Iyo Ganacsato Eedeeyay Villa Somalia

Somalia news

Qeylo dhaan ayaa ka soo yeereysa Qaar ka mid ah ganacsatada iyo shirkadaha Diyaaradaha ee ka howl gala Muqdisho, kuwaasoo u qabtay howlo iyo duulimaadyo Madaxtooyada Soomaaliya seddaxdii sano ee lasoo dhaafay, waxeyna ka cabanayaan in lacagtooda aan la siin isla markaasna si aan wanaagsaneyna loola dhaqmayo….

Xogtaan ayaa Diinah.com news u xaqiijisay in Shirkadahaan iyo Ganacsatada ay ka cabanayaan Saraakiisha Xafiisyada Madaxweynaha Gaar ahaan Agaasimaha guud Dr.Nuur Diiriye Xersi (Fuursade), oo is hortaag ku sameeyay inay helaan dhaqaalaha deynta ah ay ku leeyihiin Dowlada Federaalka looguna qabtay shaqooyin kala duwan.

Waxa ay sheegeen shirkadaha iyo ganacsatada lacagaha deynta ku leh Madaxtooyada Soomaaliya in arintooda u gudbiyeen Xildhibaano iyo dad kale oo galaan gal u leh Madaxtooyada balse Agaasimaha been u sheegayo kuna qancinayo in la bixin doono.

”Anagana Madaxtooyada waxaa ka shaqeynayay muddo seddax sanno ah waxaa lasoo shaqeynay agaasimayaashii Nuur Fuursade ka horeeyay oo ay ugu dambeysay agaasime Aamina Saciid, wax dhib ah kuma qabin dhankasto ha noqoto mid macaamil wanaag ama mid lacag bixin intaba, laakin laga bilaabo markii lasoo magacaabay Agaasime Nuur wuxuu diiday inuu bixiyo lacagaha deynta ah ee ku taagan xafiiska Madaxweynaha muddada sanadka ah xataa inuu fursad na siiyo aan kula kulano waa diiday waxa uu dhahay agaasimihii hore waxii la xariiro la igalama hadli karo.  Walahi waxaa walwal xoogan ka qabnaa waqtiaga dowlada oo gabagabo ah iyo xiliga kala guurka ah in ay ku dhumaan xoolahena ama lagaga faaiideysto xiligan adag ee wadanka iyo guud ahaan aduunka ka jirto.” ayuu yiri mid ka mid ah ganacsatada lacagta ku leh Villa Somalia.

Xiliyada kala guurka ayaa noqotay caado in la dhacdo Ganacsatada deynta ku leh Dowlada isla markaasna la meermeeriyo, inkastoo Maamulkaan ku faani jiray in wax lacag deyn ah lagu laheyn oo uu kordhay dhaqaalaha wadanka, taasna waxaa Meesha ka saaray cabashadan hadda taagan oo caqabad ka dhigi karta deyn cafinta.

44750cookie-checkShirkadaha Diyaaradaha Iyo Ganacsato Eedeeyay Villa Somalia