Khilaafka Maamulka Waxbarashada Gobolka Benadir Oo Xal Loo La’yahay

Somalia news

Mudoo bilooyin ah waxaa Khilaaf xoogan u dhaxeeyaa Wasiirka Waxbarashada iyo Duqa Magaalada Mogadishu, Khilaafkaan Oo mid shaqsi ah ayaa u saameyn ku yeeshay Maamulka Waxbarashada Gobolka Benadir iyo Tiro Dugsiyo ah, kadib markii ay soo saareen amaro iska soo horjeeda..

Agaasimaha Guud Ee Wasaarada Waxbarashada ayaa qoraal uu soo saaray ku faray Maamulada 25 Dugsi Waxbarasho ineysan wax xiriir ah ama Wada shaqeyn ah la yeelan Maamulka Gobolka Benadir, isagoo sabab uga dhigey in Wasaarada Waxbarashada ay bixiso Mushaaraadka Macallimiinta iyo Shaqaalaha Dugsiyadaasi, xiisadaan ayaa faraha ka baxday kadib markii Maamulka Gobolka uu Dugsiyada ku soo rogay Dhaqaale (Lacago khidmad ah) Ardayda Iyo Macallimiinta hadii uu taageero u fidin lahaa.

151130cookie-checkKhilaafka Maamulka Waxbarashada Gobolka Benadir Oo Xal Loo La’yahay