Shil Bus Oo 20 Xujey ah Ku Geeriyoodeen kana Dhacay Xadka u Dhaxeeya Sacuudiga & Yemen

World

Ugu yaraan 20-Qof ayaa ku geeriyoodeen kadib markii Bus-kii ay saarnaayeen uu kula rogmaday buundo kadbna waxaa ka dhashay Dab kaasoo khasaaraha sii kordhiyay wuxuuna shilkaan ka dhacay degaanka Konfur galbeed ee Dalka Sacuudiga …

Dhacdadaan oo ku soo beegantay todobaadkii ugu horeeyay ee bishan Ramadan oo wakhti Dadka Muslimiinta aad u guta Acmaasha Cumrada, bilana ka harsan yihiin gudashada Waajibaadka Xajka ee Sanadlaha ah, iyadoo Daabulida Mslimiinta Cumreysaneysa ee Goobaha Barakeysan ee Dalka Sacuudiga ayaa ah Howlo halis ah gaar ahaan wadooyinka & Gaadiidka.

Dhcadaan ayaa la sheegay iney ka ka dhacday Gobolka Casir ee Dalka Yemen ee xuduuda Sacuudiga, muuqaalo laga helay ayaa muujinaaya in halkaasi ay ka tagneyd xaalad naxdin leh, iyadoo Boliiska iyo Qeybta gurmadka degdeg ah ee Abmalasyada ay u gurmadeen ka soo qaadeen tiro Xujey ah oo Dhaawacyo culus qaba.

248650cookie-checkShil Bus Oo 20 Xujey ah Ku Geeriyoodeen kana Dhacay Xadka u Dhaxeeya Sacuudiga & Yemen