Heshiis Lagu Howlgelinaayo Duulimaadyo Kenya Airways Oo ay Kala Saxiixanayaa Kenya & Somalia..

Africa News Somalia news

Macluumaad ayaa sheegaya in Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Dowlada lagu wado maanta Dowladda Kenya ay la saxiixi doonto heshiis dhanka hawada ah, kaasoo lagu magacaabayo Diyaarado gaar ah oo ka howlgala labada dal, Duulimaadyada loo qoondeeyay Kenya ayaa noqon doona Kenya Airways…

Xogtaan ayaa Warsidaha Diinah.com news u sheegtay in Dowlada Federaalka ay Oggolaatay in 5-Magaalo ay ka howl galaan Duulimaadyada cusub ee Kenya Airways, waxaana ka mid ah Magaalooyinka Mogadishu, Hargeysa, Kismaayo, Garoowe iyo Baydhaba, Heshiiskaan ayaa muuqda mid lagu burburinaayo Shirkadaha Diyaaradaha Dalka.

Ilo wareedyo ayaa intaasi raaciyay in mid ka mid Wiilasha Madaxweynaha uu Xubin ka noqon doonto Saamileyda Shirkadda African Airways oo hoos tagta Kenya Airways, iyadoo ay Qoraal qeylo dhaan iyo cabasho ay ka soo saareen in Qorshahaan cusub kagu burbirinaayo Shirkadaha Diyaaradaha Soomaaliyeed oo muddo dheer u adeegaayay Shacbiga Somaliyeed (Fiiri Lifaaqyada).

270830cookie-checkHeshiis Lagu Howlgelinaayo Duulimaadyo Kenya Airways Oo ay Kala Saxiixanayaa Kenya & Somalia..