Wakiilka Somalia Ee Q.Midoobay oo eedeyn U Jeediyay Wakiilka UN-ka

Somalia news

Danjiraha Somalia u fadhiya Qaramada Midoobay Mr.Abuukar Daahir Cusmaan ayaa eedeyn u jeediyay Xafiiska Wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ee arrimaha Somalia (UNSOM), taasoo la xiriirta Qaabka uu u shaqeeyo oo aan la saan qaadi karin Qorshaha Maamulka Farmaajo ee muddo xileedkiisa dhamaadka yahay…

Bayaan uu ka akhriyay Danjire Abuukar Baale Fadhigii Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ee lagu ansixiyay in mudada loo kordhiyo Howlgalka Xafiiska UNSOM ayuu ku sheegay, ‘In Xafiiska UNSOM uu la socon karin Horumarka iyo qorshaha Dowlada Federaalka, isagoo kula taliyay in loo baahan yahay in dib u eegis lagu sameeyo Shaqada Xafiiska, isagoo ku eedeeyay inuu noqday mid aan saameyn laheyn.

Wuxuuna Danjiraha ka codsaday Wakiilada Golaha Amaanka in isbedel lagu sameeyo Warbixinada uu soo saaro Wakiilka Xoghayaha Gud ee qaramada midoobay lagana dhigo talo soo jeedin, go’aano kooban halkii ay ka nqoon laheyd dhacdooyin taxanae ah

57480cookie-checkWakiilka Somalia Ee Q.Midoobay oo eedeyn U Jeediyay Wakiilka UN-ka