Ma Dhabaa in Xujeydii Sanadkaan ay Dalbadeen In Lagu Xisaabtamo Wasiirka Diinta Dayacii Xujeyda Soomaaliyeed

Somalia news

Qeylo dhaan ayaa ka soo yeertay Xujeydii Sanadkaan gudaneysa Acmaasha Xajka, iyadoo Kharashka laga qaaday Xaajigii uu gaarayo 4484,5 US$, iyadoo tirada guud ay dhamaayeen 11650, dhaqaalaha Wadarta guud ee Xujeyda ayaa dhameyd 52,444,425 US$, iyadoo dhaqaalaha intaasi la’eg laga qaaday iyo Guryaha la dejiyay aysan isku qalmin…

Waxaa haboon in Wasiirka Diinta iyo Awqaafta la la xisaabtamo, waxaase ka sii daran ineysan jirin Xisaab celin ay Wasaaradu sameysay Xajka kadib, talabadaan ayaa muujineysa in Maamulka Xasan Sheekh uu ka gaabiyay inuu la xisaabtamo Wasiirkiisa iyo Guddigii Xujeyda Sanadkaan maamuleysa, ku darsoo waxaa la dejiyay Hotel 9-KM u jira Goobaha Cibaadada iyo Teendhooyin tayadoodu hooseyso.

Howlwadeenada Wasaarada iyo Guddiga ayaa ku adkeystay “Xajkii waan idiin geynay ee Maxaad Rabtaan”? ee wixii la idiin siiyo qaata oo Afkiina xirta, Hadalkaan ayaa u muuqda cabsi gelin iyo Handadaad toos loogu gudbiyay Xujeyda.

264130cookie-checkMa Dhabaa in Xujeydii Sanadkaan ay Dalbadeen In Lagu Xisaabtamo Wasiirka Diinta Dayacii Xujeyda Soomaaliyeed
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com