Wasiirka Isboortiga oo ka Hadlay fadeexada Hareysay Gabadha Somalia u ordeysay..

Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa fadeexad ka dhalatay Gabar Soomaaliyeed oo baraha Bulshada qabsatay iyadoo Tartan Orodka 100-mitir ka qeyb galeysa isla markaasna aan horey loo soo tababarin, miisaankeeduna culus yahay marka loo fiiriyo Gabdhaha kale ee la tartameysay….

Gabadhaan oo magaceeda lagu sheegay Nasra Abuukar Cali oo ku tartameysay orodka 100-ka mitir ayaa weji gabax iyo fadeexad u soo hoysay Somalia kadib markii ay noqotay qofka u dambeeya isla markii uu bilowday orodka, iyadoo ku guuldareysatay iney wax la qeybsato orodyahanadii kale ee tartanka kula jiray.

Wasiirka dhalinyarada iyo Isboortiga DF  Maxamed Barre Fiidow ayaa ka hadlay fadeexada  ka dhalatay gabar magaca Somalia Ku meteshay tartan orod oo ka dhacay dalka Shiinaha, wuxuuna sheegay in Wasaaradiisu aysan waxba kala socon qaabka loo soo xulay iyo sida ay ugu suuragashay iney ka qeyb gasho tartankan, isagoo xusay inuu aad uga xun yahay sida ay wax u dhaceen.

“Inkastoo ay magaca Somalia ku tartameysay hadana ma aheyn tartankan mid heer qaran ah ee waxaa uu ahaa mid loo qabtay Jaamacadaha sidaas awgeed Wasaaradau door kuma laheyn qaabka loo soo xulay iyo wadiiqada loo maray” ayuu yiri Wasiirka oo xusay inuu socdo baaritaan iyo dabagal ay Wasaaradu ku heyso arrintaas.

269500cookie-checkWasiirka Isboortiga oo ka Hadlay fadeexada Hareysay Gabadha Somalia u ordeysay..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com