Ma Dhabaa In Mr.Farmaajo La Kulmay Senatarada Taageersan

Somalia news

Waxaa lagu qabtay Xarunta Villa Somalia Kulan u dhaxeeya Mr.Farmaajo iyo Senatarada taageersan, Kulankaan ayaa looga dooday qodobo dhowr oo ay ka mid yihiin Shirka uu dhowaan ku baaqay Mr.Farmaajo Ee madaxda dowladda Federaalka iyo maamul Goboleedyada, isla markaana Axmed Madoobe u aqoonsaday madaxweyne KMG ah.

Xogtaan ayaa Diinah.com news u sheegtay in Kulanka ay ka soo qeyb galeen ilaa 10 senator oo taageersan Madaxweynaha, waxayna ugu tageen isbedelka ku yimid Madaxweyne Farmaajo ee ku saabsan Jubbaland iyo shirka uu isugu yeeray maamul Goboleedyada.

Xogta aanu ka helay shirka ayaa sheegeysa in Madaxweyne Farmaajo uu ku wargeliyay xildhibaannada taageersan in kulanka uu ku baaqay ee lagu casuumay maamul Goboleedyada kaliya looga hadli doono arrimaha Amniga oo ay ku jirin Doorashada oo uu ku adkeystay inay go’aan ka gaari doonaan labada aqal ee Baarlamaanka iyo Guddiga Doorashada Qaran.

Sidoo kale Madaxweyne Farmaajo aan faahfaahin ka bixin aqoonsiga uu Axmed Madoobe u aqoonsaday madaxweyne KMG ah muddo laba sano ah, iyadoo arrintaasi ay weli socoto oo aysan meel u dhicin, isagoo u sheegay inuu xiriir khadka talefonka ah uu la yeeshay Axmed Madoobe intii Uu Danjiraha Qatar safarka ku joogay Kismaayo.

Arrintan ayaa khilaafsan Baaqii Golaha Amniga Q/Midoobay iyo beesha Caalamka, waxaana sii dhammaanaya xilliga ay ahayd in shirkaasi la qabto oo ah ka hor 25 June.

Wuxuu kaloo ku Adkeeyay Senatarada Taageersan iney Abaabul hoose u galaan sidii Xilka Looga Qaadi lahaa Gudoomiyaha Aqalka Sare, isagoo balanqaaday inuu Dhaqaale ku bixin doono, hadii uu qorshahaasi hirgeli karo.

42780cookie-checkMa Dhabaa In Mr.Farmaajo La Kulmay Senatarada Taageersan