Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland Oo Diiday Amaro uu Soo Saaray Maamulka Gobolka..

Somalia news

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa amaro is burinaaya oo ay soo kala saareen Gudoomiyaha Gobolka Bari Mr.Cabdirisaaq Cali (Shaahdoon) iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha Mr.Cabdi Faarax Saciid, amaradaan iska soo horjeeda ayaa ku haya kulamada Doorashada…

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland Cabdi Faarax Siciid Juxa ayaa waxba kama ka dhigay waraaq uu soo saaray Guddoomiyaha Gobolka Bari, Cabdirisaaq Cali Siciid Shaahdoon, ayaa soo saaray waraaq uu ku amray hoteelada magaalada Boosaaso inaan lagu qaban karin shirar ay Gobolka ogayn, balse waxaa arrintaasi ka horyimid Wasiir Juxa.

Wasiirka oo waraaq soo saaray ayaa sheegay isaga oo ka duulaya hannaanka dardargelinta doorashooyinka goleyaasha degaanka in dadka reer Puntland ay xuquuq dastuuri ah u leeyihiin in ay qabsadaan Shir iyo kulamo kala duwan, kuwaasoo ay ku cabirayaan aragtidooda siyaasadeed, bulsho iyo dhaqanba, isla markaasna aan wax u dhimanyn amniga iyo xasiloonada Dawladda Puntland.

Arrintaan ayaa ku aadaysa xili shanta bishan Janaayo loo balansan yahay in wajiga koowaad ee diiwaangelinta codbixiyayaasha doorashada qof iyo cod ay ka bilaabato seddexda degawn ee Bari, Karkaar iyo Gardafuu.

235120cookie-checkWasiirka Arrimaha Gudaha Puntland Oo Diiday Amaro uu Soo Saaray Maamulka Gobolka..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com