Horjooge Mahad (Qaley) Karatee Oo Tababar u Soo xiray Tiro Yar oo Maleeshiyaad ah..

Somalia news

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa xaflad tababar loogu xiray Maleeshiyaad uuna ka qeyb galay Ku-xigeenka Horjogaha kooxda argagixsada Shabaabka Mahad “Karate” Warsame, Maleeshiyaadkaan oo aad uga tiro yar kuwii hore loogu soo xiray Mucaskarka Tababarka Maleeshiyaadka ee Sheekh Shariif Cabdi Nuur..

Wararka ayaa sheegaya in xafladaan oo lagu qabtay Goob qarsoon, iyadoo Horjooge Mahad Warsame oo ay aad u ilaalinaayeen Taageerayaashisa, ayaa waxaa kala qeyb galay Horjogayaal kale oo ka tirsan Shabaabka, kuwaasoo sawiro la soo galay Maleeshiyaadka qalin jabisay iyagoo sitay boorar ku saabsan dagaalka Gaza, Falastiin & Israa’iil, iyagoo ballan qaaday inay ka aargudan doonaan Mareykanka, iyo halku-dhegga Al-Qaacida “Qudus ma yeeli doonto. Yuhuudi”.

Xafladaan ayaa waxaa kaloo ka soo galay Horgooge sare oo ka tirsan Shabaabka ahna Gacanyaraha caanka ah ee Horjoogaha guud kooxda Ahmad “Abu Cubayda” Umar, Suldan Al Mohamed (Suldan Al Muhammad; Suldaan Aala Maxamed), waana markii ugu horeysay ay madal soo wada fariistaan Garabyadaan maarta isku adeegsaday.

Khabiirada ku xeel dheet arrimaha Kooxaha Argagixisada oo taxliil ka bixiyay tirada yar ee Maleeshiyaadka tababarka u soo xireen ayeey ku sheegeen in Caruurtii iyo Dhalinyaradii ay qaxeen degaanada ay gacanta ku hayaan kooxda Shababka isla markaasna dib u dhac uu ku keenay Kooxda Dagaalada iyo kala qeybsanaanta dhexdooda.

298530cookie-checkHorjooge Mahad (Qaley) Karatee Oo Tababar u Soo xiray Tiro Yar oo Maleeshiyaad ah..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com