Howlgal ay wada Fuliyeen Xoogaga Danab & NISA oo ka Dhacay Jubada Hoose

Somalia news

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa howlgal ay wada fuliyeen Ciidanka kumaandooska ee Danab oo garab ka helaya kuwa NISA ee Jubbaland ayaa  degaanka Turdho iyo tuulooyinka ku xeeran wabiga jinkiisa ee gobolka Jubbada hoose ka fuliyay howlgal qorsheysan…

Howlgalkaan ay fuliyeen Xoogaga Danab iyo kuwa NISA ayaa la sheegay in lagu dilay 13-xubnood oo ka tirsanaa kooxda Shabaabka, kuwaa oo ku sugnaa de”egaano wabiga jiinkiisa ku teedsan, Maleeahiyaadka kooxdq ee dileen Xoogaga huwanta ah ayaa la sheegay in uu ku jiray Horjooge ka tirsanaa Shabaabka oo magaciisa saraakiisha ciidanka ku sheegeen Aruuriyow Maxamed Cumar.

Xoogagaan ayaa maalmihii lasoo dhaafay howlgalo ka dhan ahaa kooxda Argagixisada shabaab ka fulinayay degaanno ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose, ciidamadan ayaana doonaya in kooxdani ka saaraan goobaha ay ka joogaan Jubbada Hoose, iyadoo hadda la qorsheynaayo in dhawaan ay ja bilaabmaan wajiga 2-aad ee Howlgalka.

244820cookie-checkHowlgal ay wada Fuliyeen Xoogaga Danab & NISA oo ka Dhacay Jubada Hoose
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com