Madaxwynaha Dowlada Federaalka oo ku sii jeeda Caasimada Fooxo ee Dalka Qatar

Somalia news

Ilo wareedyo loo qaaten ah ayaa sheegaya, in Madaxweynaha Dowladda Federaalka Mr.Hassan Sheekh lagu wado inuu safar shaqo maalmaha soo socda ku gaaro Dalka Qatar, kadib casuumaad uu ka helay Amiir Tamim Bin Hamad Al-Thani…

Wararka ayaa sheegaya in safarka Madaxweynaha uu noqon doono kii ugu horreeyay ee uu ku tagi doono Doha, tan iyo markii la doortay 15-May 2022, wuxuuna wadahadalo la yeelan doona Madaxda Dalka Qatar, iyadoo Labada dhinac ay diirada ku saari doonaan Iskaashiga dhinacyada Siyaasadda iyo Amniga ee Gobolka.

Doha ayaa taageeri dhinac kasta u fidin jirtay Maamulkii Farmaajo, iyagoo Mashaariicdii ugu waa weynaa ka hirgalisay Somalia, 4-tii sano ee lasoo dhaafay, kuwaasoo ay qaarkood wali socdaan, sida dhismaha Wadooyinka halbowlaha ah ee Caasimada ku xiraya Gobolada Shabeelooyinka ee deriska ah.

Ku darsoo Dalka Qatar waxaa hadda ku sugan Madaxweynihii hore Farmaajo Iyo Agaasimihiisii Hey’adda Sirdoonka ee Hey’adda NISA.

244760cookie-checkMadaxwynaha Dowlada Federaalka oo ku sii jeeda Caasimada Fooxo ee Dalka Qatar
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com