Xildhibanada Cusub ee Puntland oo lagu Dhawaaqay & 17 Xildhibaan ee Beesha Dhulbahante lagu Soo Daray..

Somalia news

Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashada Puntland ayaa ku dhawaaqay liiska 66-da Xildhibaan ee Baarlamaanka 6-aad ee Puntland, iyadoo lagu soo daray 17 Xildhibaan ee Beesha Dhulbahante oo horay loo shaaciyay in aysan ka mid noqon doonin Xildhibanaada cusub ee Maamulka Puntland…

Ku dhawaaqista Liiskaan ayaa ku soo aadaysa xili inta badan Garabyada Mucaaradka Mr.Deni ay diidmo xoogaan ka keeneen hanaanka lagu soo xuulay Xildhibaanada cusub, waxayna shaaciyeen in inta badan Xildhibaanadaasi uu soo xushay Mr.Deni, iyadoo ay ka soo muuqdeen Liiskaasi Xildhibaano badan oo lagu kala aragti duwan yahay.

Gudoomiyaha Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashada Puntland, ayaa sheegay in Xalay saqdii dhexe Madaxtooyada Puntland liis ay soo diyaarsatay u gacan gelisay Xogheynta Guddiga, isagoo intaasi raaciyay in 70-tan Xubnaha Liiska ku jira aysan soo marin hab-raaca Guddiga loo jideeyay, wuxuuna Madaxweynaha ku eedeeyay inuu soo faro geliyay Howlaha Guddiga shaaciyayna Liiska aan jirin, Gudoomiyaha ayaa hadda goob amaan ah ku sugan.

Waxaana la filayaa in Maalmaha soo socda ay badnaan doonaan shirarka Jaraa’id er lagu cambaareynaayo Qaabka loo maray Xulista Xildhibaanada, ku darsoo Maamulka Khaatumo isbaaro ayuu Mr.Deni u dhigtay Liis uu diyaarsaday oo Beesha Dhulbahante ayuu ku qasbay Guddiga Xilinta Khilaafaadka Doorashada iney ku buuxiyaan Halka Madaxweyne kuxigeen uu y sharaxay mid ka mid ah Wasiiradiisa.

297440cookie-checkXildhibanada Cusub ee Puntland oo lagu Dhawaaqay & 17 Xildhibaan ee Beesha Dhulbahante lagu Soo Daray..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com